Aragtida Doobnimadda iyo Guurka waa mawduuc la xiriira aragtida bulshada,waxaa luqada ingiriiska loogu yeeraa (social issue) , run ahaantii mawduucan waa mawduuc noociisa oo kale uu aduunka qaali ku yahey maxaa yeelay waxey sharxeysaa oo ay qeexaysa mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysata bulshadda adduunka gaar ahaan bulshadda reer galbeedka iyo soomaalida. waxaana jecelahey inaan soo bandhigo waxyaabo badan oo iftiiminaya aragtidan muhiimka ah .Xaqiiqda dhabta ah ee la xiriirta arinkan muhiimka ah ayaa ah midii soo baxey gaar ahaan saaameyntiisa iyo ka hadalkiisa qarniyadii uugu dambeeyay, gaar ahaan qarnigii uugu dambeeyay ee 21aad. Soomaalida iyo reer galbeedka ayaa noqday dadka uugu saameynta badan mawduucan ka hadalkiisa oo maxaa yeelay yurub waxey go'aansatey oo ay saxeexday nidaamka loogu talagaley in lagu xakemeeyo jiritaanka bila-aadamka iyo yareyta guurka . Aqoonyahanka reer galbeedka peter jock bokenen oo qoray buug uu kaga hadlayo arintan oo uu ku magacaabey the death of west, oo uu kaga hadlay suurtagalnimada macquulka ah ee la xiriirta dabat go'a ninka cadaanka ah ee dunidda. Isagoo arinkan cadeynaya oo sharxaya ayaa wuxuu yirir (( waxaa macquul ah in reer galbeedku ama ninka cadi uu dabar go'o iyadoo ay uugu wacantahey iyagoo qaatey nidaamka ka yimid wadamada hormoray ee ku hormoray dhinacda bulshadda macnaha tiradda dadka kunool dalalkaas sida china , india iyo bangaladesh. yurub waxey ku talagashey iney yareyso dadka dhalanaya iyagoo uula jeeda iney xakameeyaan dhaqaalaha shakhsiyaadka waxan loo yaqaano (personal income) si uu qofka uu awood uugu yeesho inuu dhalo hal qof ama labo qof si uu u xakameeyo dhaqaalahooda ku wajahan dhinacyadda caafimaadka , waxbarashadda, nolosha iyo hormorka mustaqbal.))
Wadamadda yurub oo iminka tiradooda ay tahey 27 dal ayaa uu sheegay aqoonyahanka reer galbeedka in hal wadan oo kamid ahi uu yeelankaro awooda noolaashaha ku noolaanlahaa mustaqbalka 50sanno ka dib wadankaasina waa muslim waana Albania. Macnaha abania kaleyia ayaa noolaan karta muddo dheer ka dib marka loo fiiriyo wadamada kale ee yurubianka ahi. (Peter jock bokenen).
Soomaaliya, ka dib burburkii dowladii dhexe ee militariga soomaaliyeed, wadanku wuxuu noqday wadan burburay oo ku guuldareystay dib usoo celinta xasiloonidii, amnigii, kaladambeynii, deganaanshihii iyo jiritaankii umadda iyo taariikhdeedii, wali war sugan ayaanan laga heynin tiradda dadka dhabta ah ee ku nool dalka soomaaliyeed, hey'ada UNka iyo hey'ado kale oo maxaliya oo qiimeeya nolosha dadka iyo tirakoobka ummada.ayaa ku qiyaasay illaa 9.9-11 million qofi ay ku nooshahey soomaliya, iyadoo aad moodayso inuusan dhicin isbadel weyn 20sanno ee uugu dambeysay soomaaliya wax koror ah xaga tirakoobka dadka taasoo aqoonyahana soomaaliyeed ay sheegeen iney uugu wacantahey dadkii oo baab'ay oo ay isku yimaadeen waxyaabo badan , waxyaalahaas ay qoonyahanadu ay xuseen waxaa kamid ahaa gaajo, abaar, dagaal, dil qabiileed iyo mid mabda'ba iyo caafimaad daro weyn oo ku baahday dhamaan dalka iyo dadkaba. Sababahaas aya uugu wacan in ay kordhi weyday tiradda dadka soomaliyeed ee kunool dalka , isla aqooyahano kale oo yaqaana cilmiga barashada dadka ayaa iyagana sheegay in soomalida ay inta badan aysan aqoonin qiimaha iyo muhiimadda guurku u leeyahey bulshada taariikhdeeda, koro-ukaceeda , dhaqaalaheeda iyo siyaasadeedaba, iyagoo sidoo kale sheegay daraasad qotodheer oo lagu sameeyay bulshadda dhalinta ahi ay ku guursadaan celceliska marka ay jiraan da'da 30 ilaa 35, iyagoo markaa 20% ay guurkooda noqdaaan kuwo guuleysta oo dhisma, iyadoo 50% ay guurkoodu fashilmaan ayna kala tagaan iyagoo aana waxna isku dhalin , 22% ay marna isfuran marna isku laabtaan iyagoo kuwaasi ay yihiin kuwo lunsan oo ay saameenayaan waxyaaba badan oo markaa u keenaya iney isfahmaan ama wada noolaadaan inta badana caruuro iskuma dhalaan waxeynka isku guursadaan khasab, dan ama inay waalidku isasiiyaan, 8% iyagu waa kuwo yaqaana ahmiyada guurka iyo faai'dada uu uleeyahay bulshada iyo deegaanka, laakiin markay mudoo dheer ah ay isqabaan ayey kala tagaan oo isfuraan iyadoo waxyaalo kooban ay sababaan kala tagooda iyo furitaankooda.
No comments:
Post a Comment