Wednesday, May 27, 2015

Jaceyl

Amoore
Waa maxay jacayl? Runtii waa su`aal yaab leh oon la dhayalsan Karinhsdfbsb
Runtii lama mid aha sualaha kale.
Jacayl iskama yimaado hadaan aragti jirin. jaceylku inta badan waxa uu ku dhaca dhalinyarada.

Hadaba maxuu uu kala baxaa jacaylku?.
Jacaylku waxa uu u kala baxaa sidan. Mid waa midka aad jeceshahay waalidkaa,walalahaa,qaraabadaada iyo asxaabtaada.

Muxuu ku yimaadaa jacaylku?
Waxa hadaba jacaylka ka horeeya ka helitaan aad qofka ka hesho. Ka helitaanka ayaa hadana waxa uu u sii kala baxaa noocyo farabadan sida qof aad heesihiisa jeceshahay, ama aad masalaadiisa jeceshahay.
Tusaale ahaan aniga waxaan ka helaa ama jecelahay in aan dhagaysto heesaheeda fanaanadii caanka ahayd ee Saynab-Cige,. Hadaba taas macneheedu ma aha in aan Saynab-Cige u jecelahay rabitaan dumar nimo.
                                               ARAGTIDA.
Waxa ugu horeeya waa aragtida, waaaaaw, wuu ku cajabiyay,waa qodobka ugu horeeya.
Iskama yimaado jacayl adiga oon arag qofka, gabar ama wiilba.
Tusaale, wiilkaas ama gabartaasi aad ayay u quruxbadan tahay, la soco indhaha ayaa ka helay wali waa ka helitaankii. Ama filimkii aan galay waxa ku jiray gabar ama wiil aad u qurxoon.
Mar labaad waa ka helitaan.’

                                         Goorma ayuu isku bedelaa jacayl?. 
Waa marka aad la kulanto,ood aragto,maqalkiisa,hadalkiisa,dad ladhaqankiisa,ixtiraamkiisa,
Dulqaadkiisa,.
Si kasta oo wiilku ama gabartu u qurxoontahay haddii aynan dabeecad lahayn ama uunan lahayn,ka helitaanku ama jacaylku waxa uu soconayaa mudo yar.

La soco ma iibsan kartid jacayl, waa laga yaabaa in aad qof ku raacdo lacag ama qurux, lakiin taasi waa mudo yar. Hadaba marka aad ogaato qofkaasi sida uu u dhaqmayo ayuu bilaabmayaa jacaylku ood leedahay, ooh waan jeclahay, macnaheedu waxay tahay waxaad iibsatay isaga oo dhan, awal waxaad ka helaysay quruxdiisa ama quruxdeeda oo kaliya.
Lakiin hada waxa uu isku bedelay,dabeecad wanaag,dhib la-aan,iyo daryeelid uu kuu hayo.

                                   Goorma ayay Timaadaa Runtu. 
Intii hore waa barashadii aad baranaysay qofka,hada marka aad isla soo dagtaan oo aad isla garataan in aad is guursataan ayay runtu bilaabmaysaa. Qaarkiin markiiba waxyaalo yar yar oodan markii hore arki jirin ayaad arkaysaa, adiga oon eegeyn arimihii jacaylka keenay ayaad markiiba niyad jabaysaa.
.
                                   Maxaa lagaaga baahanyahay Hadaba. 
Lasoco qofkan aad isla soo dagteen, iskumeel kumaydan soo korin, laba reer oo kala duwan ayaad ka kala timaadeen. Reer faqiir ah,reer taa jir ah, reero dabeecad xun,reero kla dhaqan duwan iwm.
So hadaba(Respect these different) don’t force you self someone you are not.
Qodobka ugu horeeya.
(1) Ha is ku dayin in uu partnerkaagu isbedelo ama sameeyo waxaad jeceshay(don’t try to change your partner just like you) waxa laga yaabaa in uunan ka helin ama dhib sanaayo.
(2) There is diffirent between falling in love and been in love.
Way kala du wanyihiin marka aad qofka barato iyo marka aad la soo dagto
Marnaba ha filin in aad hesho jacaylkii hore, lakiin filo ama isku day in aad hesho- waxa afka qalaad lagu yiraa ( a mature relelationship)
(3) La soco emotionku wuu is bedelayaa markaa hel mid dagan inta aad raadinayso kii hore oo kale.

                           Agree to disagree. 
(4)Face it. la soco waxa jiri doona arimo yar yar oodan waligii xaliyi Karin(solve)
Oo aad u adkaan doona, laakiin waligiin isugu yimaada meel dhexe.
Labadiina qof kamid ah waa in uu lumiyaa valuegiisii, si uu u badbaadiyo guurka, waana in uu iska ilaawaa wax yaalo farabadan oo uu jeclaa.
(5)Lkiin mar walba isla ogolaada wax yaalaha basiga ah sida, caruurta,,guriga,shaqada,dhaqaalaha,iwm, si uu u badbaado guurku(relaionshibku).
(6) Macno male waxaad samayso, ee waa sida aad u samayso.
Mar walba waa in aad ka hadasho waxa familiga dan u ah , ee ha ka hadlin waxa adiga dan kuu ah. Haddii aad isku daydo in uu partnerkaagu sameeyo wax alla waxaad jeceshahay, arimuhu waxay isku bedelayaan xumaan.
Isku day in aad fahanto qofkan, waxa uu jecelyahay ,waxa uu dhib sanaayo, meelaha uu jecel-yahay in uu aado.
Ha ku canaanan waxyaalaha qaarkood, lakiin isku day in aad tusto waxa dan idiin ah.
Waxa aad u fool xun adiga oo gurigaagii u soo socda oo hadana dhibsanaaya, oo leh alla-tii ama kii ayaa igaga horeeya. Isku dulqaata.

Obs. Artcale kan waxa uu khuseeyaa dhamaan Somalida qurbaha dagan.
Haddii qaarkiin ka helin ka raali noqda—mana dhamayn wuu sii socdaa.
Wax alla wixii fikrad ah waad ka dhiiban kartaa, qalad iyo saxba.

Jacaylku waa shay qaali ah oo ku lamaanan Nolosha Aadamaha , waxaana loo soo gaabiyay sidan :-
L (lack of pleasure) O (ocean of sad) V (vellay of deeth) E (end the live)
Hadaba erayadaas waxaa laga soo gaabiyay kalmada English ka ah oo Micneheedu yahya jacayl , erayadaas oo Micnohoodu yahay farax la,aan, bada murugada, Dooxada Quruntay, Dhamaadka nolosha isla markaana waad dareemi kartaa Saamaynta uu ku leeyahay nolosha bilaw - aadanka hadaba kalmada love oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl:
J (jawhar) A (amakaag) C (calaacal) A (anfariir) Y (yaab) L (luul)
Hadaba akhriste waad aragtaa qiimaha uu leeyahay jacaylku marba Haduu yahay jawhar marna waad aragtaa dhibaatooyinkiisa marba Haduu yahay amakaag, calaacal. yaab, iyo luul akhrista hada ka Hor ayaa la is weydiiyay waxa uu yahay jacayl waxaana ka Jawaabay fanaan oo yiri WAA MAXAY JACAYL??? waa macaan Ama waa qaraar hadba waa siduu kuu soo maree marka jacaylha Waa run hadba waa siduu kuu soo maro qofka mar waxaa laga Yaabaa In laga waraabinayo labo dhan taas macnaheedu waxaa Weeye Labada qofba ay wada dareemaan jacaylka markaas waa Macaan marka uu qaraarka noqonayana waxaa weeye marka laga Waraabinayo hal dhinac ha ahaado dhanka ninka ama haweenta.
Jacaylka waxa uu leeyahay Aabe, Hooyo, Walal, Dad uu jecelyahay, Dad uu necebyahay, Waxyaabo ay wada socdaan, Meel uu Kayimaado, Meel uu dago,Waxyaabo uu Jecelyahay, Waxyaabo uu Necebyahay, bal hadaba aan eegno Waxyaabahaan soo sheegnay Sida ay suura gal u yihiin:
Aabihiis -Nasiib Hooyadiis -calaf Walaalihiis -dadaal Dad uu jecelyahay - Ruuxa daacada ah Dad uu necebyahay - ruuxa aan daacada ahayn Waxyaabo ay wada socdaan -dookha Meel uu kayimaado - Dareen uu qofku wax dareemo Meel uu dago - qalbiga Waxay wada socdaan -- Dookha Hadaba jacaylaka haduu yahay saas miyuusan la mid ahayn ruuxa Insaankaa oo kale??? Jawaabtu waa haah waayo intaasba bilaw Aadanka waa leeyahay!!!. Dhanka luuqada carabiga ayana waxaa jira erayo kuwaas la mid ah oo laga soo gaabiyay erayga carabiga ah ee (cishqi) bal aan asagana eegno waxa laga soo gaabiyay iyo saamayntiisa
C -caniifa SH - shamsi Q I qadiim Hadaba waad aragtaa erayadaas siday ay ugu base garaysan yihiin Xaqiiqda macnahoodoo ah, caniifa,adag, shamsi, qorax, qadiim, soo Jireen ah
Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku Kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa Nooma baahna ee anagaa Ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii xaawo Iyo aadan, Jacaylka kamaan maarano asagana Nagama maarmo Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada Dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa
Laylo Qays Cilmi Hodan Juuliya romeo Grendiano
Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin hadaba mucaashqiintaas geeriyootay waxaa hadaladoodii ka mid ahaa JUULI - ( do you keep aware that i abamdone eating, sleeping, relaxing, for sake of your Adore) ROOMI - ( my love for you has grown deeper and deeper) (my love for you is like ashadow wich never leaves it,s owner.
CILMI -Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii hodane in aan Eebahay idin qaribin qariya laabtiina anigoon xabaal la igu hamsiin Waanan ka harayne haday hawl yaraan idin latahay aniga waa Hooge, maqaalkaan kumaan soo koobi karo hadaladoodii ugu danbeeyay kuwaas oo aad ka turjuman karto saamaynta uu ku reebay jacaylku.

Farqiga U Dhaxeeya Mucaashiqiintii Danbe Iyo Kuwa Hada Jooga.
Dadka jacaylkii waxa ay ka fahmeen qalad waxaana loo turjuntay si aan macquul ahayn kana mamnuucan xaquuqda jacaylka waayo dadka haatan jooga waxay u isticmaalaan jacaylka hab qaldan sida qurux,lacag.qabyaalad,dano gaar ah ilaa dadkii aamineen jacaylku inuu yahay dan gaar ah oo uu yahay Dhalanteed kuwaasna waa Cadawga jacaylka jacaylku waa dahab aan la gadan karin taas waxaa kuu cadaynaysa Nacayb waa la iibsan karaa lakiin jacayl lama iibsan karo Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah
Dhidid Cuqdad fakar xad dhaaf ah Boholyaw Mashquul fara badan Qofka oo dhibsada hadalka U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd Tarsaas magaca qofkaad jeclayd Cunada oo kaa xiranta Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iwm ka sheekaysa qisooyinka jacaylka Riyo iyo qaraw
Aniga gaar ahaan jacaylka maan aaminsanayn balse markuu igu dhacay ayaan waxaan ogaaday in uu jiro fadlan hadaadan jacayl waxba ka aqoon ha dhihin ma jiro iyo looma dhinto hadalkayga aan ku soo afmeerayo maqaalkaan aadka u xiisaha badan waxaa weeye
Red is red-red is blood -blood is heart -heart is love -love is life Guduudku waa guduud guduudku waa dhiig dhiigu waa wadne wadnuhu waa jacayl -jacaylku waa nolol. jacaylku waa shay aad u muhiim ah

Wednesday, March 25, 2015

Aragtida doobnimada

Aragtida Doobnimadda iyo Guurka waa mawduuc la xiriira aragtida bulshada,waxaa luqada ingiriiska loogu yeeraa (social issue) , run ahaantii mawduucan waa mawduuc noociisa oo kale uu aduunka qaali ku yahey maxaa yeelay waxey sharxeysaa oo ay qeexaysa mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysata bulshadda adduunka gaar ahaan bulshadda reer galbeedka iyo soomaalida. waxaana jecelahey inaan soo bandhigo waxyaabo badan oo iftiiminaya aragtidan muhiimka ah .Xaqiiqda dhabta ah ee la xiriirta arinkan muhiimka ah ayaa ah midii soo baxey gaar ahaan saaameyntiisa iyo ka hadalkiisa qarniyadii uugu dambeeyay, gaar ahaan qarnigii uugu dambeeyay ee 21aad. Soomaalida iyo reer galbeedka ayaa noqday dadka uugu saameynta badan mawduucan ka hadalkiisa oo maxaa yeelay yurub waxey go'aansatey oo ay saxeexday nidaamka loogu talagaley in lagu xakemeeyo jiritaanka bila-aadamka iyo yareyta guurka . Aqoonyahanka reer galbeedka peter jock bokenen oo qoray buug uu kaga hadlayo arintan oo uu ku magacaabey the death of west, oo uu kaga hadlay suurtagalnimada macquulka ah ee la xiriirta dabat go'a ninka cadaanka ah ee dunidda. Isagoo arinkan cadeynaya oo sharxaya ayaa wuxuu yirir (( waxaa macquul ah in reer galbeedku ama ninka cadi uu dabar go'o iyadoo ay uugu wacantahey iyagoo qaatey nidaamka ka yimid wadamada hormoray ee ku hormoray dhinacda bulshadda macnaha tiradda dadka kunool dalalkaas sida china , india iyo bangaladesh. yurub waxey ku talagashey iney yareyso dadka dhalanaya iyagoo uula jeeda iney xakameeyaan dhaqaalaha shakhsiyaadka waxan loo yaqaano (personal income) si uu qofka uu awood uugu yeesho inuu dhalo hal qof ama labo qof si uu u xakameeyo dhaqaalahooda ku wajahan dhinacyadda caafimaadka , waxbarashadda, nolosha iyo hormorka mustaqbal.))
Wadamadda yurub oo iminka tiradooda ay tahey 27 dal ayaa uu sheegay aqoonyahanka reer galbeedka in hal wadan oo kamid ahi uu yeelankaro awooda noolaashaha ku noolaanlahaa mustaqbalka 50sanno ka dib wadankaasina waa muslim waana Albania. Macnaha abania kaleyia ayaa noolaan karta muddo dheer ka dib marka loo fiiriyo wadamada kale ee yurubianka ahi. (Peter jock bokenen).
Soomaaliya, ka dib burburkii dowladii dhexe ee militariga soomaaliyeed, wadanku wuxuu noqday wadan burburay oo ku guuldareystay dib usoo celinta xasiloonidii, amnigii, kaladambeynii, deganaanshihii iyo jiritaankii umadda iyo taariikhdeedii, wali war sugan ayaanan laga heynin tiradda dadka dhabta ah ee ku nool dalka soomaaliyeed, hey'ada UNka iyo hey'ado kale oo maxaliya oo qiimeeya nolosha dadka iyo tirakoobka ummada.ayaa ku qiyaasay illaa 9.9-11 million qofi ay ku nooshahey soomaliya, iyadoo aad moodayso inuusan dhicin isbadel weyn 20sanno ee uugu dambeysay soomaaliya wax koror ah xaga tirakoobka dadka taasoo aqoonyahana soomaaliyeed ay sheegeen iney uugu wacantahey dadkii oo baab'ay oo ay isku yimaadeen waxyaabo badan , waxyaalahaas ay qoonyahanadu ay xuseen waxaa kamid ahaa gaajo, abaar, dagaal, dil qabiileed iyo mid mabda'ba iyo caafimaad daro weyn oo ku baahday dhamaan dalka iyo dadkaba. Sababahaas aya uugu wacan in ay kordhi weyday tiradda dadka soomaliyeed ee kunool dalka , isla aqooyahano kale oo yaqaana cilmiga barashada dadka ayaa iyagana sheegay in soomalida ay inta badan aysan aqoonin qiimaha iyo muhiimadda guurku u leeyahey bulshada taariikhdeeda, koro-ukaceeda , dhaqaalaheeda iyo siyaasadeedaba, iyagoo sidoo kale sheegay daraasad qotodheer oo lagu sameeyay bulshadda dhalinta ahi ay ku guursadaan celceliska marka ay jiraan da'da 30 ilaa 35, iyagoo markaa 20% ay guurkooda noqdaaan kuwo guuleysta oo dhisma, iyadoo 50% ay guurkoodu fashilmaan ayna kala tagaan iyagoo aana waxna isku dhalin , 22% ay marna isfuran marna isku laabtaan iyagoo kuwaasi ay yihiin kuwo lunsan oo ay saameenayaan waxyaaba badan oo markaa u keenaya iney isfahmaan ama wada noolaadaan inta badana caruuro iskuma dhalaan waxeynka isku guursadaan khasab, dan ama inay waalidku isasiiyaan, 8% iyagu waa kuwo yaqaana ahmiyada guurka iyo faai'dada uu uleeyahay bulshada iyo deegaanka, laakiin markay mudoo dheer ah ay isqabaan ayey kala tagaan oo isfuraan iyadoo waxyaalo kooban ay sababaan kala tagooda iyo furitaankooda.

Tuesday, March 17, 2015

Sheeko Jacayl dhab ah Xusuus iyo Murugo Qalbigaaga ku.................

Waa habeen xasuus mudan qofkasto oo ibnu aadan ahna uu ku qasban yahay in uu qoro ama uu xuso dhibatooyinka iyo qisooyinka ku dhaco , waxaan ahaa wiil somaliyed oo ka hela in uu is ticmaalo aalada INTER NET ka si daran waqtigiisana ku bixiyay aniga oo jeclesanaayo xariirka aan la samey nayo dad badan aniga oo ula
jeed kayga markaasina uu yahay in aan ka barto bulsho iyo asaxab qiimo leh ba.
waxaa habeen habeenada kamid ah, aan kula kulmay meelaha lagu shekesto ee aalada Net ka, aniga oo markasto jeclaa in aan galo qolol ka diiniga iyo tar tanka Qur'aan ka karim ka, ayaan waxaan kula kulmay, qol aan ku jiray ee paltalk gabar igacodsatay in ay i weydiiso su'aalo badan waana u ogolaaday, waxay i weedisay magaceyga iyo halka aan dunidan baaxada weeyn aan kaga noolahay, waxaana ku iri waxaan ku noolahay dalka Egypt, waxa ay i weeydiisay waxa aan ku haayo egypt, waxaan u sheegay in aan u joogo in aan ku dhamesto leeman, waxaa ay i wediisay wax xariir ah in aan lee yahay, waxaana sida runta ah uga waramay in aana leheen wax xariir iyo reerba, waxa ay iga codsatay in aan xariirno weliba aniga oo xaqiiqda ka hadlaayo, sida runta ah aniga ma ku xeel dheeri isticmaalka Chaat roomka iyo qaab kiisa shukaansi, mana ihi sida aan maantay ahay oo aan qisada daabacayo, sida markii aan is baraneeynay gabadha, waxaan meshii ku gaarnay go'aan kaas oo ahaa indho aan ayada eheen in aana yeelan waqti kastona aan kulano,
waxayna ii sheegtay magaceda oo ay itiri IDIlL iyo addres ka wadanka ay dagan tahay iyo weliba Tel keda, intaas kadib waxaan u bandhigay gabada, in aana xariir siin karin ilaa ay ayada soo bandhigto waxa ay codsaneyso in ay hesho, waxaana ku xujeeyay in ay isoo wacdo isoo xariiriso mar kasto, maadaama ayada ay horeyso intaa ka dib waxaa na dhex maray xariir maalmo socday, kadib waxaan u diroba waa ay sameysaa tilaabo kasto oo aan ka codsado in ay ii sameysana waa ay ii sameysaa, ayada oo sawiradeeda iyo hadiyado Romanceba iigu soo dirtay posto fariimo badan oo aan hada qori doonona iigu soo dhiiibto live ahaan, aqristoow gabadhu ilaah waa uu ka dhameestiray dhan walbo, indhihii mar eegaahina dib u ma jalee caan, dhibaatooyinkan ziyaada da noqday ee maantay jira iyo sida ay maantay beenta iyo dhibatoyinka ay u jiraan uma jirin xiliga aan la kulmaayo gabadhaas, mana aysan eheen dhalinta maantay sida ay ugu cayaaraan caashaqa iyo xariirkaba markaas aan aniga gabadha baranaaye,
aqristoow hadal badan haan ma buuxsho, waxaan gabadha kala kulmay, wado kasto oo rumeyneysa xariir keda, kana dhab shegeso qalbigeda, aqristoow, waxaa tahay ibnu aadan waxaad leedahay dareen, aan is celin karin mar hadaa hesho wax aad is ledahay anfac bay lee yihin, waxaan qalbiga si sugan oga soo gooyay in aan helay qofkii mustaqbal keyga, ayada oo aan dhan walbo ka eegay dibna aan u raacay dabcigeeda iyo qiimenteda, iimana soo bixin wax aan ehen 100 %, aqristoow, nin meelu u cadahay meelu ka madoow, waxaa si lama filaan ah iigu baaxay iiguna saaqay ka helitaan aan u qaaday gabadha, aniga oona jecleen marka ay iga soo dib dhacdo, isla markaana aniga aan galaayo waqtiga aan la balan sanahay sacad ama labasaac ka hor, mudo markii aan wada soconay, ayaa waxaan gaaray in aan dhibsado kista yarta ay iga soo daaheyso iyo mararka qaar oo card ka telfonka ay igu soo weceyso oo yaraanayo, ayadu waa ay danesataa, waa ay sahqeysata, waxna waa ay barataa, ana waa ii daney neysa , oo aniga dartay waxay u gooynyesa mararka qaar howleheeda, aqristow, waxaan si dhab ah u jeclaaday gabadhii, IDIL waqti kasto waxaan dul taaganahay INTER NET ka , miir aan IDIL eheen malihi, hadal aan idil eheena iguma socdaan , gabadhii aan arkaa ama aan maqlaa waxay iila muuqataa IDIL, aqristoow, waan seexanayaa oo weliba gam'ayaa waase su'aale miyey riyadeedu i deyn.? waa riyada mida aan ku farxo, mida aan ku salalo, habeen walba ku hadraayo,waqti walbo aan u dul taagnahay halkani, way i daashatay si aad ah weliba, xusuus, sheeko & hadal-ba ayada ayaa ii noqotay, waan ka fekeraa mar walba, aniga oo wax walba ka hormarinaya raali ahaanteeda waxaanse qalbigayga kula yaabanahay sida ay ugu weenaatay IDIL waxaan mar kasto oo aan u xiiso oon la har sanwaayo aana la hoyaadi waayo dabka ka shidan qalbigayga, waxaan isku sa sabaa ayada oo offline ah in aan Message u dhaafo aniga oo leh.
Ka: Tinish yare
Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL
iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa , salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa, waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl aan qof sidaa loo Jeclaan, waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn oo uusan walaal u hibeyn walaalkii ama aabe uusan u hibeyn wiilkii, been kuuma sheegin weligey, naftuna waxay ku talax tagtay Jaceylkaagii oo mar walbo aan niyada ku haayo,aqristow, mudada aan IDIL la socdo waa mudo ku dhawaatay 1 sano intaasna weligey dib u dhac iyo been balan ka bax iyo wax keeni karo qilaaf kuma aana arkin, aniga majirto wey aan u dib dhicikaro maadaama nin wax jecladay aan ahay, isla markaasna maantay asiga aana awoodin in birta loogu dhifto, mar kastona waxaan ka dadaali jiray been iyo is badal in aniga la iga helo aniga oo kalsoni aan ayada ka sameysanaye siiyay baswer ka magaceyga iyo wax kasto oo INTER NET oon ka is ticmalo oon heysatyba aan farta ka saaray, si ay ugu cadaato in aan kili u ahay, anigana waxaan la ama kaag sanahay, riyada aan ku jiro iyo mar walbo sida aan ugu dhoho hadalada macan, si ay iigu dan qato, waxaana iraahdaa xili kasto waxa ay iga mudan tahay, aniga oo macaanka aan u qabo malinba malinta ka danbeyso oow igu sii kor dhaayo, aniga oo leh ,
IDILey dhaayahaaga buluugga ah dhabanadaada guduudan
timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la qoraan
IDILeey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,
dhadhan waan ka go'ayoo, hurdo dhinac ma seexdo
adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin,
intaa iyo in ka macaanba kama daalo in aan la xariiro IDIL, isla markaana uu ugaaro xariir kena weynaantisa labada dhinacba, isla markaana aniga laftayda aana qabin wax shaki iyo dhib aan ku qabo xariirka IDIL, isla markana aysan jirin wax aniga xageyga ka imaado oo dhib ah, oo keeni kara in aan niyad jabo, run ahaanti mana awoodo in maantay dhib aan kala kulmo IDIL maxaayeelay waxaan ka jeclaaday wax kasto oo kasoo haray allaha abuuray adunkaan iyo rasuulka usoo dirsaday iyo kitabkisa ,
Idiley wad iyo calaf waxaan ahayn,inay nakala weeciyaan jacaylkeenaa kaweyn,waqtiga wuu soconayaaye,inaan wiigba ceyn ahaano jaceylkeena aa kaweyn, koley wadnayaal israacey,waxaa weerara was waas,wax kastoo oo nagu yimaado,ma wiiqaan jacaylka-oo,jacaylkeenaa kaweyn, nafba waxaa u qaali ah qoftii ay jeclaatee, nin uu caashaq qalaayana sir maqarin karaayee, indhuhu quusan maayaan waanada maqaataan talo kuma qancaayaane , qallaa layga marayaa qiiq baa leygu shidayaa hadana waa qar qarayaa oo waa qaboo babahay , qeys baan ladiris ahay qabri baan ku dhawahay,
gacalisadaan jeclaayeey,guud ahaan adduunyada
adaan kaa garwaaqsaday,gaduudkaaga dhiinka ah baa
gebigeey isaaqay
axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale
god inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa
garaadkey wuxuu isiiyey guur inaan yagleelnoon gurigeey ku geystoon
gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy?
intaa hadal iyo af macaani ee aan gaarsiinayo, aqristoow is ma dhihin hal marna ma dhici karta in qofkaan aad cal fan weyso, ma dhici kartaa in aysan eheen mida aad kula dakeyn doonto dunida dusheeda, mar kasto oo aan dad aan ka maqlo naagu waa sir kaliya, waa dabin xun yihin, naftayda, waxaan ku sa sabaa, waxa beenta iyo boro bogan daha isku sheego e caashaqa beenta ahna isla dhiso in ay yihiin wax islaam nimada iyo imaan kuba uu ku yar yahay, xikmaduna waa tan oraneyso, Tilaabo aan loo dhalan lextaako ma dhaafto , sidaa darteed anigana waxaan aamin sanahay beentu in ay raad gaaban tahay, qof mudodaan aan is wadnona in aysan waqtigaas oodhan aysan been iyo lug gooyo aysan ku bixineen, sidaa darteedna aana dhag u dhigin dilaaya yaasha caashaqa oo markasto noqon karo afka saxibadaada iyo bulsha daada ayaga, oo inta badan ay jeceyl yihin in ay kaa booriyaan sida aad isku raacisay , lakin laba kala bariday kala warla , waxa aan dha dhan sanaayo, iyo macaanka aan qabo ma ay u jedaan hee!!!
ana kama daalo in aan maalin kasto diro E-mail kii la iiga bartay, aniga oo E-mail ka aan diro usan u ekeen kii shalay aan diray, waloo meel yar xitaa aysan iska soo galin, ee uu yahay maalin kasto Message aan diro mid kasoo go'ay qalbi macaan iyo dareen caashaq leh, waxaana iraahdaa markasto oo aan fariin u diraayona hadalo la jeclesan karo, hadaa aqrisana aadan is celin karin hadaa wax jecesha hay ama lagu jecel yahay,
Idiley dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay
diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay
waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan
diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo
ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo
ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo
haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey
daa'inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa
deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo
aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen
hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay
jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo
Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon
duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy!!
muduo markii ay ka soo wareegtay xariirkeeni, waxaa habeen habeenada ka mid ah ay iga soo wacday tel ka, ayada oo igu leh waan yara mashqulay baby sorry ma aana kuu soo sheegin, hoolbaan ku mashquulo, maba aana joogin xaafada iyo halkii aan ku kulmi jirnay, dhib uma aana arkin is badalna uma aana dareemin, balse nin aanwax ogeen alle ma cadaabo, Tinish waa nin wa hore laga tashaday, mudo kadib ayaan soo baraarugay, oon iri saan shaqo kaliya mahanee waa maxay fitnadan imaatay, oo honey aad u maqli la'dahay waxaan u diray Tel waa ay iga qabatay lakin ma calfan in ay ila hadasho markii ay maqashay codkayga, ayna fahantay in aan aniga ahay, hoosha waxayba u badashay Anser meshin oo la igu yiri IDIL ma joogto wixii fariin aad u heyso halka ugu dhaaf waxaa igu baryay waaga waxaan is iri shalayba markii lagu rabay mala weynin waqti iyo firaqo fariin la igu soo gaarsiyo mana jirin tel la iigu xiro mashin ama la igu dhageesto, ee maantay marki la iga daba tagoo la ogaaday in aana ka maarmin miyaa waqti la'aaniyo broblem imaaday, waxaan fikiray E-mail baadi goob ah in aan udiro islma markaana aan ku ogaado halka fitnada ay ka socoto iyo cida mas'uulka ka eh , aniga oo leh ,,
walaaley sanku neeflaha oo idil,
Intuu Alle uumay, subaxaan tii ugu sarreysay
samaantii u dhalatay suuraddaada wacaniyo
Sidii qaabkii xuurul cayntii,
sunniyaha indhaha iyo sanqaroorka shuban, iyo
sinnaanshaha ilkaagiyo, si markaan u eegaba
In leygu saaqay ma ogtahay, suntii jaceylkaa I gaartoo
seben hore I haleeshay, hadaadan I saacidin
caashaqa si wanaagsan aadan iila qaban
maxaa ii danbeyn doono ?
aduunkaanu joogno hadduu qof ku amaano
abaal uu kuu galo Lama ag maro,
asaagey ayaad tahay, Ifka aan ku jeclahay
dadkaan kaa ishaartay kaa arkooday dumaro koo idil
Ee daadka caashaqaa Igu beertay,
afka ka awoodi waayey uurka siduu tebaayo,
aduunyada Illaaheey marba waa ayaan si ah
aadamigu sidiisana qofba waa ayaankii
mar buu anfac leeyahay !!
mudo markii aan aqbaar ka waaye IDIL anigana aan u xiiso qabo baa, waxaan maalin maal maha kamid ah isku aragnay MSN ka, iyada oo igu qancineyso in ay hooyo xanuun satay isbitalna ayla gashay waxaan ahay ruux ubaahan gabadha, qalbigedana aan ka maarmin, ma awoodo in aan xanaaqo, ma awoodo in aan qalbigeyga nabsi aan ka galo, oo xumaato iyo is fahandaro aniga iga timaado, uu ku waayo gabadha waqtiga dheer uu u dhafraaye, una duleesnaa, waal kiisan ku iloobay, isla markaana aana ku dhihin wax xanaaq leh iyo cuqdad iyo edeeyn intaba, ee waxaan ku qancay warkii ay igu tiri balse waxay iga diiday wax aan ka codsaday, waxaan ku iri baby isma aana maqlin ku dhawad 5 week, taasna waa ii ayaan daro, waxaan ka codsanaa in aad isoo wacdo hada, marka aad qadka ka baxdo, lakin waa maalinti iigu horesay ay igu tiri hada anaaba kula jogaa he maxaa ku falee Tel, waa filin iyo fitno bilow geed aniga oo is dajinaayo baa waxaan ku iri honey, halkani waa qoraal sida aad ka ahina iskuma dareen siin karno dhawaca yada jaceyl, daawoyinkooda ee isoo wac waad ku qasban tehee,aniga saas waxaan u leeyahay waxaan heystay, kalsooni la igu maqlo, codsigeygana lagu tix galiyo, lakin nin waa hore filin kisa la laabay in aan ahay isma ogi , si kaftan ah lakin aana kaga baran iyo fara kacayaar bay igu tiri bro ma haayo waqti aan kugu soo woco, lakin waan ku soo wici doonaa !! hadii alle musiibo kula maago waa gooni lakin waxaan la yaaba nahay wajigan qarsonaa ee caawa soo if baxay, si naxdin iyo dhidid leh baan ku iri honey
Go'aan aynu gaarnay hadal aan guntiisii kuu soo gabagabeeyay goormuu gefkani dhacay, guul baan filayee godol baan ka sugayee goormad fitnada ulabisatay , miyuu guray wanaagii..? ma adaa gooyay nabadii.? mise nacab gur-guurtoo godobteena jeceloo ina kala gudbinayaa jira, anna geerideydiyo guul darrooyin ila raba, adna gacan shisheeyiyo in aad guurba seegto guumowda kula raba, si qosol leh oo ana kaga baran IDIL in ay ii isticmasho aniga ay tiri loooolkkkkkkkk
waad hadleysa weliba waxaa ku fiican tahay in abwaan lagaa dhigo bro aniga waan fikiray weli sidagan oo tar tiib ah aan u fikiray, waxaana ii soo baxday in aana is haleyli karin maxayelay aniga waxaan rabaa boy friend kayga in uu akta iga fadhiyo kol kasto oo aan isku baahano mana awoodo intaan ka badan in aan ku sii lug gooyo , ee sorry bro , waagaa igu bar yay lug gooyo iima harin meesha Bomka uu iiga qarxaayona ma ahan gurigayga iyo ayada horteeda midna ee waa Net Cafe oo umado badani ay fadhiyan hareeraheyga, ku kasto oo isoo eegana ilmadeyda wuxuu yiraahdaa madhibaa lagaaga soo shegay reer kii muqdisho, lool cidoo dhan haday dhintaan oo ay dhamaadan ma u maleenayo sida duul kan ilintisa ay ii xanuujisay in ay ii xanuu jineyso uurka, lakin aniga oo hadlayo misana isleh kolba way ku tijaabine oo dumar qayanadii lagama salgaree inaa iska ordeyso iyo in kale ay tijaabine naagu wa balaaye ee is celi baleey kuu danqataa , markaas ayaan waxan iri
IDiley dooqiyo jaceylkuba dadka wey wadaagaan,
damac iyo xishoodna dumar lagama waayo,
diintiyo qur'aankuna culimadu ma deyso,
anna doonistaadii kama daallin inanyahay,
Inaan kuu dandaranahay adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
IDiley cowsha duurka joogtiyo , dugaagiyo waraabahaan
maalmahan la deris noqday , waan daahayaayoon
waan duulayaayoon ,adiga kuu duleysnahay
degenaanshihii diidayoo ,cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin ,ama dooqu xumi ku gelin
maxayna kala dareershay?.
waranka duxdiisiyo , waxa adiga kuu daran
anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
marhadii alle wax kula doono ama garab kaaga oow ka boxo umada uma ekid qofkii naxaris iyo af macani iyo danqasho cashaq iyo darenkisa iyo suntisa in aana lagu ca cayaarin iga waanin jirtay ee weligeed igu dhihi jirtay sida aan kuu jeclaaday aadane koonkaan joogo ee aan u jecladay maleh ayaa caawa aqristow waxa ay igu lee dahay bro iga rali noqo!!!!!! runti aniga saxib wan lahaa lakin adiga marka aan ku baranaaye asiga ayaan ku xumeenaaye oo qilaaf inoo dhaxeeyay, hada markii aan heshiinayna adiga waxaan diidaaye in aan muraayada kaa jabiyo maadaama aan ogahay in aad Zaa'id ii jecesha hay, marka saas ayaan qadka u soo gali waaye, weliba saxibkay ayaan farimaha adiga aad soodirto tusay aqristayna, marka bro adiga waxaa tahay qof muhim ah qof fiican bro nabsi in aan kaa galay, oo aan qalad kaa galay oo aana cafis leheen waan ogahay, lakin bro aniga lafteyda waan iskaga kaa ciyaaraye!!! oo saxiib kay xarash aan u haaye ayaan adiga kaala so dul dhacay ee bro wax aan sameyona ma kasaayo weligey haben kuma sexan jaceyl aan adiga kuu qabo intaas oo waqti aad igu lumisayna ka raali noqo!!! runti ma jeclen in aad dartey u waalato ama u noqoto mid ka dheeraado jaceyl kiisa runta ah dhib aniga aan kuu geestay dartiis, ee bro waa iska caadi waa iska aduunyo ha u bixin, intaas marka aan afkeeda ka maqlay,!!!!!!!
aqristow maxaa ila gudboon in aan sameeyo?
aqristoow qofkani asigana waxa uuba taagan yahay waan kugu tijaabinaye, oo cayaar bayba iga eheed ana waxaanba taaganahay saacad dharka hadaan tuurana, aan u heesto in aan weli xaragonayo, lakin waxan ku iri ,,,,,,,,,,,,
idileey ogoow irid baa furmeysa, nasiibkaa isxaami ilaa aakhira saacaha, Ifkaan kuugu jeclahay, inaan ku waayo waa ii ayaandaree ,inteed joogtaa kuu ooyaye,
Inteed joogtaa kuu ooyaye, ilmadu iga qubatayee ,Ideecadaha aduunka, akhbaaraadka cusub Ogeysiisyad iyo wararka, isgaarsinta caalamka Joornaalada afka dheer , ee abaara runta ,aaladaha internetka, web siteyada emailada iyo Chat inka lagu qoro afaraha Romance iyo Is araga MSN ka, miyaadan ka akhrinin ereyadeyda Jaceyl ,Inaan wacadkii iloobinoo, wali kuu oomanahay, Adigoo kala laguma uumin aduunkee, mana arki doonee ololkii caashaqa ee oofaha i gooyay, miyaadan ii ogeyn,
axdigiyo jacaylka ururada caashaqa ee aduunka ka jira ajendaha ay qoreen asxaabtii la aasey ee caashaqu idleeyey ,abwaanada wax alifee suugaanta abuura miyayna ku ogeysiin inaan wacadkii iloobinoo wali kuu oomanahay ,,
Ifaalaha jacayl ubixii aan beerey, udgaayee carfaayay Idiley magacaa amaan iyo aamin ilaaliye dhaartii wadnahayga aamin ii iftiinshe aragaaga, adimihiyo xubnaha Diidey iney irdheeyaan axdigii adkaa igu yiri aduun iyo aakhiro iilkii xabaasha asxaabteyda runtaa oon taariikhdeyda iloobeyn miyaysan Ku ogeysiin inaan wacadkii iloobin oon wali ku oomanahay, aduun waa calaf ogow dartaa ama aduun ama aakhiro,
aqristoow ma garanaayo cid aan nabsi ka galay si aan ugu duceysto, waan hurdaa waana soo jeedaa IDIL darteed, misna waan socdaa aniga oo aanan garaneyn halka aan u socdo, waana ka haraadsanahay wax kasta oo aan cabo, mana garanaayo waxa aan ku oon bixi karo, mar hadaad garab keyga ka baxday waxaanse qalbiga ku hayaa alle in uu u adeego adoomadisa masakinta,
waxaan dareemayaa in aan ahay qof si wax ka yihiin, gocoshaduna ku weyn tahay, waxaan qirayaa in aan qalbiga kugu qoray, laabtana kugu sawiray la'aantaana nolosha ay san ii dha dahmen, in kastoo igu tiri wax aana kaa astaahilin qof muslin ah kugu dhaqan iyo diin ah na aan lagu dhihin, lakin nabsi waa kii soo if baxaa ana nabarka aad igu dhifatay waa mid xisaab tisa ay imaan doonto !!!!!!
aqristow xayi adag ma ihi, xabaal weli ma gelin, waan xanuunsanahoo xigto & dadkii ma xushmeyn karo, xishood waan ka tegay, xad dhaaf waali & nin xir-xiran ma'ihi tii aan xusahana xero dhaaftaye, maxaad igala soo doontay asal kaagii hore qalbi meelesan, maxaadse caashaqa qoobka cayaarka iigu dishoo miraayadeyda ugu qarxisay , maxaadse qalbi aadan ii heynin iyo niyada iiga dhigtay mid ii baahan, jaceyl aadan ii qabina maxaa iigu beertay, mise filin ayaad dhigeysay oo qarash baa kuu socday, mise Sheeko ayaad igu alifeysay, mise Musal Sal ayaad sameyneysay mise Entertaimanti wax eh ayaad i mooday aniga miyaadan ogeen Romance gu in loo jiisobo loo sakaraaday duulal badanina naftu ay u wayeen, mala socotaa nabsiga aad geesatay sida aan unoqday mase u jeedaa xaalka aan ku suganahay mise dareen santahay. IDIL maalin ima soo marto illaa waan ooyaa adiga owgaa lakin dhibkaad hor marsataahi waa ku kuu danbeeyo ee
IDILEY miyaadan rabi leheen oo beer danqadaahi kugu oolin ?!!!!!!!!!!
aqristo meel kasto ood caalamka ka joogtaan, qisadan xaqiiqda ah ee aan farsamo iyo caqli isku tagay ku imaan ee qof ay si rasmi ah live ay ugu dhacday qalbigisa oga qoray, waxaan aqristow idin kaga digaa Dad kaan badalmay iyo duun yadan halow day ee qabiil kiyo aanfada u ban baxday, ee lug gooyada iyo dhibaatada u istaagtay,iyo dumarkaan ibtiloboo hawadooda raacay, in dhalin yarooy imaankiniyo qalbigiina aysan aan fayninee, oodnaan u dayicin mustaqbal kiinee oodnaan isa siininee ood ka digtoonaataan hagar daamada haweenka maantay jira, si aad naan ugu dhicin dabinka an ku dhacay iyo sida aan ku suganahay maantay, dhibaatoyinka Singal Mum iyo Girl paltalk ku jirto iyo Chat rom I.W.M ee ka danestoo dantiina aqoon sadoo nin walbo mehradii loo dirsaday haka faa'ideystoo ha iska yiraahdo niyada dib baa loo noqon donaa oo xal iyo daganaasho waa soo car fayahe maxaad qabsan doontaa, maxaadse ku nolaan doontaa mustaqbal ka soo socdo, ee caashaqan qawda maqashii waxna ha u qaban ta ah iska indha xiroo iska dhaga tiroo danahiina muhiimka ah ka raacda.
anaa go'oo firinbi igu yeroo i aamino tilbada i qabsatay adigaba way kugu soo socota, dhilinyaroy is jiroo maankiinana celiyoo dadbaa hortiin caashqu aan feyoo ibtileyee baan dheeyay awgiise lana il daran ilaa maantay ee taarikh yesan ku qabsan adoo indha ku fiiqan yihina ha iska dhigin nin aan wax ogeenee...
Waxaa ay qisadan ka dhax dhacaday wiil iyo gabar kala joogo Egypt iyo Holand

Monday, March 16, 2015

about ibraahimxxb

wan idin salamay aqyaarta anigu waxaan ahay ibraahim maxamed muuse oo ku magaca dheer ibraahimxxb websitekan waa website somali oo dhan wa wada dhexeeyo micnhaha iyo ula jeeedka aan u sameeyey ayaa ahaa ina laga wada ogaado dhalinta maanta waxay xiiseeyaan amaba waxay ka soo hor jeedaan haday ahaan leheed mid siyaasad qusaysa ama wadani nimo waxaan soo wadaa aqyaarta sheeko jcl oo dhab ah taaso aan ku gudbindoona websitekan lasaco qeybta 1aad waana qiso jacayl oo DHAB AH

Pages - Menu